DHAQAN U SAAXIIB AH

Haweenka iyo xilqabashada Inta badan, Soomaaliya waa dad dhaqanka u saaxiib ah oo dhaqanka ayay ku cabiraan waxkasta ay doonayaan inay ogaadaan. Dadka cabirkaas adeegsada 90% waa ragga, halka dumarku ay adeegsadaan 10%. Ragga markii laga wareysto waxyaabo ku saabsan xuquuqda dumarka, waxay yiraahdaan –dumarku waa lafdhabarta qoyska, la’aantood waxba lama wadi karo, balse markii xaqiiqda loo dhaadhaco oo la isku qabto waxyaabo masiiri ah –sida xil qabasho, lahaasho dhaqaale iyo kasoo muuqasho meelaha sare –waxay yiraahdaan “dumarka yaan laga soo saarin guryahooda, dumarka yaan la fasahaadin” ayagoo uga gol leh inay xilalkaas qeybsadaan qoys ahaan ama bulsho ahaan ayagoo isla saxan oo diyaar u ah in waxkasta laga weydiiyo arrimahaas. Diinta Islaamka ayaa meel wanaagsan geysay dumarka oo haddii diinta la yiraahdo halagu cabiro ma ogola –oo waxay leeyihiin “dhaqankeena kuma haboona inay sidaas dhacdo, sidaa darteed, waa inaan ilaalino dhaqanka. Xili la qeybinayay xilal qabiil ...