DHAQAN U SAAXIIB AH
Haweenka iyo xilqabashada
Inta badan, Soomaaliya waa dad
dhaqanka u saaxiib ah oo dhaqanka ayay ku cabiraan waxkasta ay doonayaan inay
ogaadaan. Dadka cabirkaas adeegsada 90% waa ragga, halka dumarku ay adeegsadaan
10%. Ragga markii laga wareysto waxyaabo ku saabsan xuquuqda dumarka, waxay
yiraahdaan –dumarku waa lafdhabarta qoyska, la’aantood waxba lama wadi karo,
balse markii xaqiiqda loo dhaadhaco oo la isku qabto waxyaabo masiiri ah –sida xil
qabasho, lahaasho dhaqaale iyo kasoo muuqasho meelaha sare –waxay yiraahdaan “dumarka
yaan laga soo saarin guryahooda, dumarka yaan la fasahaadin” ayagoo uga gol leh
inay xilalkaas qeybsadaan qoys ahaan ama bulsho ahaan ayagoo isla saxan oo
diyaar u ah in waxkasta laga weydiiyo arrimahaas. Diinta Islaamka ayaa meel wanaagsan geysay
dumarka oo haddii diinta la yiraahdo halagu cabiro ma ogola –oo waxay leeyihiin
“dhaqankeena kuma haboona inay sidaas dhacdo, sidaa darteed, waa inaan ilaalino
dhaqanka. Xili la qeybinayay xilal qabiil ayaa waxaa dhacday in oday ka mid ah
odayaasha qabiilka ay gabar aqoon yahanad ah oo shahaadada heerka 2aad ee
jaamacadda wadata u timid oo ku tiri “Nabadoon waxaan kaa codsanayaa inaad igu
caawiso, inaan noqdo xildhibaanada reerka, waxaana balan igu inaan xilkaas u
gudan doono sida ugu wanaagsan –aan taladiina ku shaqeyn doono, bilkasta waxaan
ogolahay xisaabtan iyo inaan idiin soo bandhigo waxyaabah noo qabsoomay iyo
waxyaabaha dhiman oo lagu haminaayo in la gaaro” odaygii nabadoonka ahaa ayaa
inta meelaha fiiriyay ayuu la yaabay gabadhaan ula timid waxa uu ka waayay
xildhibaanadii raga ahaa ee hore, wuxuuna laqi la’yahay inay gabar tahay oo
haddii wiil uu ahaa lahaa wuu qanci lahaa -odaygii ayaa yiri “gabadheydiiyeey
xilkaan aad raadineyso wali lama oga in la gaaray xiligiisii oo qofka hadda
haya ayaa wali wax u dhiman yihiin, waxaad kale oo ogaataa aniga sanadkaan
waxba kama galo xilkaas oo rag kale baa sanadkaan ay u xiran tahay meesha,
marka waxaan kaa codsanayaa inaad dulqaadato maandhaay waxba ma weyneyside” –gabadhii
oo yaaban ayaa tiri “bal waayahay nabadoon”.
Nabadoonkii ayaa u tagay raggii
kale oo ku yiri “war sanadkaan ka duwan kuwii hore, dumarkii ayaa guryaha kasoo
baxay oo waxay rabaan inay wax idinla qeybsadaan –ogaada waxaa xaqiiq ah in
dumarku aysan yareysan, waligey ma arkin gabadhaan nin la mid ah oo sidaan iigu
qancisay ajendaha ay wadato iyo waxqabadyada ay damacsan tahay, ninka hadda
xilka haya waxaad u sheegtaan in uu arrimaha diinta si fiican u soo ogaado waxa
ay dumarku ku leeyihiin xilqabashada, waxaana u sheegtaan inuu ku qudbeeyo
maalin kasta (–diintu waxay qodobkaas ka aaminsantahay) –ha adeegsado erayadaas
hana isku adkeeyo inuu waxbadan ka badalayo qaabka uu hadda u shaqeeyo. Haddii looga
adkaado diinta, waxaan diiradda saareynaa dhaqanka oo gabadhu waa inay joogtaa
guriga iyo meelo asturan” …Raggii kale ayaa inta qoslay yiri “Nabadoon haka
cabsan in qof kale nagu soo faragaliyo doorashada sanadkan”.
![]() |
Wasiir Maryan Qasim Axmed (B) and Wasiir Fowsiyo Yusuf Haji Adam (M) oo qoslaya November 4, 2012 kadib Raysulwasaare Abdi Farah Shirdon ku dhawaaqay golaha wasiirada Mogadishu. |
Gabadhii oo xijaaban/asturan iyo ajendayaasheedii
Aqoonyahanaddii ayaa kulmisay
qeybo ka mid ah bulshada ay kasoo jeedo, dhalinyarada iyo odayaasha beesha ayaa
ku qanci waayay kulankaas oo ku adkeystay inay geeskooda ka raacaana dhaqanka
ay aaminsan yihiin nabadoonada beesha –dhaqankaas oo ah “inay haweenku joogaan
gurigooda”, balse waxaa ka biyo diiday oo kulanka aqbalay koox waxbarashadu ay
meel dhexe u mareysay oo iskuulo iyo jaamacado dhigta, gabadhii oo ku qanacsan
aqbalaada kooxdan waxbarata ayaa kulankii kusoo bandhigtay waxyaabaha ay ka
qorsheysatay haddii ay loo doorto xildhibaanka sanadkan –gabi ahaanba waxaan
idin fududeynayaa waxbarasho lacag la’aan ah oo dibadda iyo dalkaba aad ka heli
kartaan, waxaan shaqo abuur u sameyndoonaa dhalinyarada soo qalinjabiya
sanadkasta, waxaan isku xiri doonaa hay’adaha iyo cilmi baarayaasha si loo
ogaado dadka deegaankan ku nool waxa ay u baahan yihiin.
Dhalinyaradii ayaa
sawiratay ayagoo joogaa meel doog leh, dowlad leh, kala dambeyn leh, amni leh,
dhaqaale leh oo dhamaan dadka ay ka shaqeynayaan bini aadamnimo iyo isku
tanaasul nabadeed si loo helo dowladnimo buuxda –ayaa fikirkii kula soo laabtay
nabadoonadii iyo waxgaradkii kale ee nolosha kala dhexeysay, waxaa la yeeshay doodo
iyo fadhiyo kala duwan oo in mudo ah qaatay, ka dhaadhicin in gabadhani tahay
muhiim ayaa la isku mari waayay oo fikirkii intiisa badan waxaa yeeshay
dhalinyarada aaminsan in gabadhani tahay haldoor.
Nabadoonka iyo ajendayaashiisii
“Dhageysi badan kadib, waxaa la
iiga fadhiyaa go’aan ah –kala xulista musharixiinta deegaan doorasho oo ka
qeybgali doona golaha lasoo dhisi doono sanadkan” waxaa yiri nabadoonkii.
Dadka sameeya cilmi baarisyada la
xiriira arrimaha bini aadamnimo waxay diirada saaraan waxkasta asalkooda meesha
ay kasoo farcameen ama waxa sababa in ay wax dhacaan, Siyaasiyiinta waxay
diiradda saaraan sidii ay uga guuleysan lahaayeen la tartamohooda, dhaqaale
yahanada waxay diiradda saaraan sidii loo yareyn lahaa waxyaaba la
isticmaalaayo loona gaari lahaa waxku oolnimo –koox kasta waxay diiradda
saaraan waxa ay qabanayaan waxa ku haboon ama miisaan ahaan sida wanaagsan ee
waxku qabsoomi lahaayeen.
Nabadoonka wuxuu ka fikiray oo
diiradda saaray tirada ciidan uu heli karo iyo sida muuqaalkiisa noqondoono
marka uu dumar xil u dhiibo, maalin ayaan nabadoon la sheekeystay wuxuu ii
sheegay –sababah uu uga soo horjeedo xilqabashada haweenka, wuxuu ku bilaabay
1. Haweenku waa ku fasahaadaan in gurigooda lagasoo saaro 2. Adkeysiga haweenka
oo liita iyo in 3. Ay foolaneyso xili shaqo adag loo baahan yahay. Nabadoonkii waxan
–kula dooday in ay dhamaan qaldan yihiin qodobadaas oo haweenku ay awood buuxda
u leeyihiin xilqabasho iyo matalaad bulsho, balse wuxuu ku adkeystay inuusan
waxba ka badali doonin ajendayaashiisa ku aadan matalaadaas.
Odayaasha waxay inta badan
ogyihiin wax aysan dhalinyarada iyo bulshada kale aysan ogeyn –wuxuuna u
shaqeeyaa sida ugu wanaagsan oo bulsho dhan ay ku badbaado, go’aamada uu qaato
odayga nadaboonka ah waa go’aamo aan wax qiyaasi kara jirin amaba yaryihiin.
Dadka
bulshada indhaha u ah waxaa ka mid ah aqoonyahanada, nabadoonada iyo
siyaasiyiinta –nabadoonada waxay soo ifbexeen ama howshoodu si toos ah awood u
yeelataa marka qilaaf dhaco oo dad wada dagan ama kala fog isku qabtaan dano uu
midba midka kale ka leeyahay, wax dhexdhexaadiyana aysan jirin. Bulsho ma
noolaan karto nabadoon la’aan oo nolosha bini aadamka ayaa u baahan in markasta
laga waaniyo waxyaabaha ay ugu xadgudbeyso kuwa kale –doorkaas muhiimka ah
waxaa cayaara nabadoonada Allaha dhowree. Haddii la baaro inta bulsho ay badbaadiyeen
ama nabad u horseedeen waxaa qiyaas ahaan la ogaa lahaa in ay yihiin dadka
bulshada la’aantood aysanba jiri lahayn.
Doodihii xuquuqda
Doodaha dhexmara bulshada waa ay
badan yihiin –diirad saarka doodaha xuquuqda Iyana waa badan yihiin, waxaan sii
diirad saareynaa xuquuqda haweenka oo in badan dadka ay ku muransan yihiin.
Maalin anigoo sooman gacantana ku
haya dastuurka Soomaaliya oo meel fadhiya ayaa waxaa I maqlay anigoo aqrinaya dastuurkii
xildhibaan ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedyada Soomaaliya, wuxuu igu
yiri xildhibaankii “xuquuqdaan aad aqrineyso ee ay soo qoreen gaalada la
shaqeysa dalka waa waxba kama jiraan waana danbi ee aniga I dhageyso aan kuu
sheego xuquuqda haweenka ay leeyihiin” waxaan iri “haddii dastuurkani danbi
yahay bal iisheeg sida aan danbiga ahayn” Xildhibaankii iyo koox ag fadhisay
markaas oo u jiibinaya ayaa wada yiri “war waxba kama ogid dastuurkaan –waxaa soo
qoray gaalo waxayna ku heshiiyeen inay fasahaadiyaan dumarkeena oo guryahooda
kasoo bixiyaan, waxaa ku qoran in dumarku leeyihiin 30% waana aqbalnay kadib
markii ay gaalo nagu qasabtay” waxaan iri “kahor inta aysan gaalada na qasbin
maxaan u qorsheynaya haweenka qoondo ahaan” kooxdii xildhibaanka la fadhisay
ayaa igu tiri “Sharmaarke, adiga su’aalahaan inta iska dhaaftid kaliya ogow in
dumarku ay ku wanaagsan yihiin howlo badan oo aysan raggu qaban karin –guriga ayay
joogaan, ilmaha ayay xanaaneeyaan, waxaas oo dhan raggu ma qaban karaan” waxaan
iri “war doodaan waxay u baahan tahay in la cilmiyeeyo oo qoraalo laga soosaaro
waxa ay mudan yihiin dumarka kadibna si xeer hoosaad ah loo dhaqan galiyo,
markaasey inta jeesjeestaan oo ismashquuliyaan bay ku leeyihiin, iska daa
waxaas waa laguu yaqaane”.
Waxyaabaha laga dhigo cudurdaarka
haddii xaqiiqdii loo baaro si rasmi ah, ma ahan wax sax ah oo laga yaabo inay
ka madaxbanaan yihiin arrimaha laga rabo meesha iyo kuwa imaanayo marka la helo
rabitaankaas –tusaale ahaan, gabar xil loo doortay way fasahaadeysaa, guriga
ayay kasoo baxayaan dumarka, dhaqanka kuma haboona, haddii dhamaan la baaro waa
been abuur iyo waxba kama jiraan ay iska dhaadhiciyeen. Qabashada xil iyo
galitaanka danbi waa wax kala madaxbanaan, in qofka danbi galo marka loo dhiibo
shey waa wax aan lala xiriiri karin lahaashaha sheygaas –qofkaan quu u qalmaa
inuu xilqaado wuuna u qalmaa inuu danbiga iska ilaaliyo, taas ayaa jawaab u ah
waxyaabaha mala-awaalka ah ee dadku u aaminsan yihiin dhaqanka.
Ugu danbeyn, qofkasta oo cadaalad iyo miisaan dhexdhexaad ah laga
rabo waxaa haboon inuusan ku cabirin waxyaabaha asaga danta ugu jira ee uu ku
cabiro waxa xaqiiqda ah oo cadaalad sameyn kara, dhibaatooyin waxaa jira dhaqan
ahaan noogu dhexjira –oo ay ka mid yihiin qofka danbiilaha ah inaan loo
aqoonsan danbiile oo qabiil ama koox lagu tixgaliyo, mana ahan wax bulsho ay ku
noolaa karto haddii ay ku noolaatana waa gardaro ay ku heshiiyeen oo ayaga ayay
isku direysaa marka ugu danbeysa -dhaqanka aan saaxiibka ka dhiganay wanaagiisa aan ku dadaalno markaas baan bulsho ku faaiiday dhaqanka noqoneynaa.
Sharmaarke Hassan Mohamed
Academic and Author
+252 616132355
+252 618606407
Comments