TREASURE 16 JIR



"Ma ihi madow, waxaan ahay Caucasian"
"Waxaan ahay cadaan, la ima dhihi karo madow -sababtoo ah waxkasta aan dareemayo ama sameynayo way ka duwan yihiin dadka madowga ah waxay sameeyaan" 


Treasure, "Ma ihi Afrikaan, waxaan ahay Caucasian"
sidaa waxaa yiri Treasure oo 16 sano jir ah, waxaa dhalay qoys Afrikaan ah, waxayna ku doodeysaa inay tahay gabar cadaan ah oo dhamaan dadka madow ka sareysa, Donald trump iyo Kim Kardashian ayaa ah dadka ay ka tusaale qaadato nolosheeda, gabadhan yar waxaa wareysi ku casuumay Dr.Phil oo xitaa isagii baa la yaabay sida ay u difaaceyso qofka aysan ahayn waligeedna noqon doonin, waxaa isla habeenkaas joogay qubaro dhanka cilmi nafsiga oo dhageystay sida ay gabadha yar ugu adkeysatay ahaanshaha qof cadaan ah iyadoo loo jeedo inay tahay qof madow oo Afrikaan ah.
"waxaan dareemayaa in maqaarkeygu ka duwan yahay dadka madowga ah, waxaan dareemayaa wax aad u wanaagsan inaan ahay, taasoo micneheedu yahay cadaan" -Treasure

Fahankii laga qaatay
Inantan yar ee ku doodeysa inay tahay cadaan oo dhamaan dunidu la yaabtay -Dr.Phil ayaa yiri "anigu waxaan ahay cadaan, ma isu egyihiin qof cad iyo qof madow"? 
waxay ku tiri "adigu shaqsi baa tahay anne mid kale, aaminsanaaw waxaad rabto, balse anigu ka tanaasuli maayo inaan ahay gabar cadaan ah"

mid ka mid ah qubaradii meesha fadhiyay ayuu Dr.Phil u yeeray una sharaxay inay tahay qubaro dhanka cilmi nafsiga si aysan dood tira badan uga horgeyn, -Drs-dii ayaa tiri "gabadhu maahan inay naceyso madowga ee iyadaa isnaceysa" waxay kale oo ay sii raacsiisay "ma taqaanid sida ay u egtahay haweeney madow ah wanaageeda" waxaa qoslay Treasure oo wali ku adkeysaneysa inay tahay cadaan.

Caucasian waa koox ka mid ah Yurub oo cadaan iyo madowba leh
Caucasians


Fikirkaagu muxuu noqon lahaa markaad dhageysato Treasure -Yaab mise dood?



Sharmaarke Hassan Mohamed
Academic and Author
+252616132355
+252618606407


Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta