CIDI KAAMA XIGTO
Oraah
soo jiidatay indho badan, “Cadaado cidi kaama xigto” –waxaa la hinisay 2010
xili ay deegaanka kusoo laabteen dhalinyaro wax soo baratay oo hami u qaba inay
dhisaan/hormariyaan deegaanka ay kasoo jeedaan, waxaa xiligaa Soomaaliya ka
jiray dowlad jamhuuriyad dimuqraadi ah, balse la filayay in federaal la noqon
doono oo dhamaan dadka waxaa maskaxdooda ka guuxayay in la heli doono dowlad
dhexe oo xoog iyo awood milatari leh sidii hore looga bartay dowladihii hore ee
dalka soo xukumay, dhalinyarada waxay muujinayeen in Cadaado noqon doonto meel
ay Soomaali oo dhami isugu timaado oo udub dhexaad ah –qabiil gooni ah aan
ahmiyad siineyn balse loo siman yahay sida ka muuqata oraahda ay ka dhigteen
halheyska, isla xiligii ay dhalinyarada howsha xooggeeda wadeen iyo
wacyigalinta waxay la kulmayeen dhibaatooyin badan iyo mucaaradnimo aan loo
meel dayin balse hadafkooda ayaa ahaa inaysan joojin howsha wanaagsan ay wadaan
si mustaqbalka loo arko mireheeda.
![]() |
Cadaado 2017 |
Federaalkii la fahmi
waayay
Mudo
kadib waxaa is badalay booska siyaasadda ee dalka, waxaa si toos ah loo dhisay
maamul goboleedyo hoosyimaada dowladda dhexe loogana arrimiyo magaalada
Muqdisho, awoodihii kala xadeyn lahaa dhamaan hay’addaha dowladda iyo dadyowgan
isku heysta hantida iyo xilalka dalka lama qorin/lama cadeyn oo lama daadajin –kaliya
waxaa la yiri “Soomaaliya waa federal” awoodihii, isla xisaabtankii iyo dhamaan
wixii dowlad lagu yaqiinay lagama hadlin, waxay siyaasiyiinta Soomaaliya
garteen kaliya in federaalku yahay in ay dowlad dhexe jirto iyo maamulo
hoosyimaada –waxay kala dageen gobolo, waxay sameysteen xuduudo, waxay noqdeen
qabiilo kala duwan oo micneheedu yahay dalal kala duwan, waxay u dagaalameen
sidii dal ku duulay dal kale oo gobol kasta wuxuu yeeshay doqon qabiilkiis iyo
tuuladiisa u dagaalama oo aan wax dowladnimo iyo kala danbeyn qadarineyn,
–lama fahmin in federaalku
leeyahay
noocyo badan oo dal waliba
ku dabaqi karo baahidiisa
iyo sida uu xal u
arko,
waxaa socday
tababarro ay bixinayaan qubaro dhanka sharciga balse waxaa dhamaan intaa ka
xoog batay isqabqabsigii iyo kala sheegashadii goboleysiga, waxaa lumay nidaam
dhisme dowladeed oo gobol kasta waxaa magac iyo xil ku helay dadkii deganaa
marka laga reebo Cadaado oo dad badan isugu yimaadeen –shaqo iyo howl dheer
waxaa intaa u sameeyey dad isu arkayey inaysan meel kale ka heleyn qadarin iyo
shaqo intaba. Xirfadlayaasha iyo dadka cilmiga leh waxay ogaadeen inaysan
sidani ahayn nidaam dad ku dhaqmi karaan, dadka qaar ayaa ka fogaaday oo ka
gaabsaday habsocodka howlahaan gurracan, intii la isku heystay hantida dalka
iyo xilalka muhiimka ah waxaa kala haray labo walaalo oo aad usugu dhowaa.
Faaiidooyinka federaalka
Tan
iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa la heli waayay nidaam
dowladeed oo xitaa in yar soo muujiya inay dowlad ka jirto Soomaaliya,
nidaamkan aan fahmi weynay ayaa soo nooleeyey isku xirnaan yar oo dowladnimo,
waxaa la dhismay magaalooyin hore u ahaa tuulo, dhalinyaro badan ayaa fursado
shaqo ka helay goboladii dhismay, awoodihii Muqdisho isku hayay oo dhaan
dabagaale looga dhigay gudoomiye goboleed oo loogu yeeray “Madaxweyne”, awoodii
ayaa halmeel loo arkay in lagu aruurinkaro oo waxaa la ogaaday dhibaatada
meesha ay jirto iyo meesha ay kasoo bilaabatay.
Cidi kaama xigto iyo
Dhalinyarada shaqo la’aanta ah
Magaalada
Cadaado waxaa soo buux dhaafiyay dhalinyaro kasoo qalin qaadatay jaamacadaha
heerarkeeda kala duwan ilaa iyo “PhD” wada xildoon ah oo ku haminayay inay wax
un ka noqdaan hirarkaan is dhaafdhaafaya ee haatan yimid, waxaa lasoo bandhiga
shaqooyin heersare iyo heerdhexe ah inkastoo lagu kala duwanaa kafaa’deysigooda,
waxaa walaac badan laga muujiyay sidii loo hirgalin lahaa cadaalad oo loo simi
lahaa ama looga fogaa lahaa eexda iyo qof jecleysiga ku baahsan Soomaaliya,
waxaa la isla gartay in qofkasta uusan isku xirin lahaasho ama dhalasho meel
gaar ah oo loo siman yahay fursadaha shaqo ee ka jira deegaanka,
dhalinyarada
ayaa isla soo hadal qaaday
oraadan “Cadaado cidi kaama xigto”,
oo waliba ka
dooday sababta loola yeeshay
shaqooyinka ka jira deegaankan
ay gaarka u
leeyihiin marka loo eego
sida ay Soomaali u kala fogaatay,
dhalinyarada kuwa
caqligoodu wanaagsan yahay ayaa iska indho tiray doodahaan iyo lahaashaha
magaaladan, kuwooda kale ee ayaguna caqligoodu wanaagsan yahay ayaa isku dayay
inay soo celiyaan mudnaanta ay ku leeyihiin deegaanka iyagoo kaashanaya nidaam
iyo tusaalayaal qurxoon oo lala wadaagayo madaxda iyo dadka hogaanka haya,
dhalinyarada u doodeysa soo celinta mudnaantan iyo kuwa iska indho tiraya ayaa
ku kala duwanaaday fursadaha la heli karo, waxaa la ogaaday fikirka ka danbeeya
iska indho tirka inuu yahay isku haleyn iyo raadraac suuqmadow oo wax guul ah
ka imaaneyn balse u noqotay qanaaco aan wax ka dhalanaya aysan jirin, aaminsanaan
inuu mudnaantan leeyahay iyo jahwareer meeshii loo mari lahaa ah ayay kusoo
biyo shubatay, waxaa qosol isku qanciyay dhalinyaradii u doodayay mudnaanta oo
arkay jahwareerka kuwii iska indha tirayay.
Sharmaarke Hassan Mohamed
Academic and Author
+252 616 132 355
+252 618 606 407
Comments