"Ma ihi madow, waxaan ahay Caucasian" "Waxaan ahay cadaan, la ima dhihi karo madow -sababtoo ah waxkasta aan dareemayo ama sameynayo way ka duwan yihiin dadka madowga ah waxay sameeyaan" Treasure, "Ma ihi Afrikaan, waxaan ahay Caucasian" sidaa waxaa yiri Treasure oo 16 sano jir ah, waxaa dhalay qoys Afrikaan ah, waxayna ku doodeysaa inay tahay gabar cadaan ah oo dhamaan dadka madow ka sareysa, Donald trump iyo Kim Kardashian ayaa ah dadka ay ka tusaale qaadato nolosheeda, gabadhan yar waxaa wareysi ku casuumay Dr.Phil oo xitaa isagii baa la yaabay sida ay u difaaceyso qofka aysan ahayn waligeedna noqon doonin, waxaa isla habeenkaas joogay qubaro dhanka cilmi nafsiga oo dhageystay sida ay gabadha yar ugu adkeysatay ahaanshaha qof cadaan ah iyadoo loo jeedo inay tahay qof madow oo Afrikaan ah. "waxaan dareemayaa in maqaarkeygu ka duwan yahay dadka madowga ah, waxaan dareemayaa wax aad u wanaagsan inaan ahay, taasoo micneheedu yahay cad...
Comments