Posts

Showing posts from 2019

HOOS U DHACA Sh.So

Image
Waxaan ku nool nahay dal lacagtiisa, baasaboorkiisa iyo nabadiisa ay dhimatay, waxaa kale oo layaab leh in madaxda ugu sareysa dalkaas baaba'ay ay yihiin kuwo wata baasabooro shisheeye oo haddii xilka waqtigiisu dhamaado ama laga qaado isaga tagaya dalka, waxay maalgaliyaan dalal shisheeye, majirto awood la xisaabtameysa oo cadaaladdu awood malahan, haddii ay shaqeysana ayaga ayay u shaqeysaa -dal kulansaday intaas oo dhibaato ayaan ku riyooneyna inuu maalin un wanaagsanaado. Kadib hoos u dhicii lacagta Sh.So, waxaa la bartay dhibaatooyin badan oo laga dhaxlay hoos u dhicii isticmaalka lacagta dalkeenna, waxaa layaab leh in meelaha qaar ee dalka gudihiisa aan laga isticmaalin Shilinka Soomaaliga, dadka ku nool gobolada dhexe Soomaaliya waxaa saameyn balaaran ku yeeshay hoos udhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga, Shalay oo ay taariikdu ahayd Jan 11, 2019 maalin jimco ah ayaa waxaa la waayay dhamaan isgaarsiinta gaar ahaan gobolada dhexe, waxaa joogsaday isweydaarsiga ganacsi...

Shirka wadatashiga "Qorshaha Hormarinta Qaranka 9aad"

Image
Waxaa magaalada Dhusamareb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka socda shirka "Hormarinta Qorshaha Qaranka 9aad" oo lagala tashanayo bulshada qeybeheeda kala duwan, shirkan wuxuu socon doonaa Feb 23-26, 2019 waxaana diiradda la saarayaa sida ugu fudud ee lagu ogaan karo waxyaabaha sababa faqriga Soomaaliya kusoo laalaabtay. Qorshahan hormarineed wuxuu bilowday 2014-tii, markiisii ugu horeysay waxaa diyaariyay hay'ado caalami ah iyo qubaro aan Soomaali ahayn, ajendayaasha uu siiyay ahmiyadda koowaad iyo waliba kuwa ugu horeeya ma noqon kuwo ka turjumaya ama u adeegaya wacyiga iyo baahida ummadda Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa qorshe loogu talagalay dal leh dowlad adag iyo siyaasad fadhisa oo hormarsan, nasiib xumo dalkeena wuxuu ku jiray xaalad soo kabasho ah, wuxuuna u baahnaa xal u helidda baahiyo aas-aasi ah. Maanta qorshahan waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay qubarro Soomaali ah oo waliba dhageysan doonaa baahiyaha qaaska ah ee bulshada Soomaliyeed, waxay same...