Shirka wadatashiga "Qorshaha Hormarinta Qaranka 9aad"

Waxaa magaalada Dhusamareb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka socda shirka "Hormarinta Qorshaha Qaranka 9aad" oo lagala tashanayo bulshada qeybeheeda kala duwan, shirkan wuxuu socon doonaa Feb 23-26, 2019 waxaana diiradda la saarayaa sida ugu fudud ee lagu ogaan karo waxyaabaha sababa faqriga Soomaaliya kusoo laalaabtay. Qorshahan hormarineed wuxuu bilowday 2014-tii, markiisii ugu horeysay waxaa diyaariyay hay'ado caalami ah iyo qubaro aan Soomaali ahayn, ajendayaasha uu siiyay ahmiyadda koowaad iyo waliba kuwa ugu horeeya ma noqon kuwo ka turjumaya ama u adeegaya wacyiga iyo baahida ummadda Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa qorshe loogu talagalay dal leh dowlad adag iyo siyaasad fadhisa oo hormarsan, nasiib xumo dalkeena wuxuu ku jiray xaalad soo kabasho ah, wuxuuna u baahnaa xal u helidda baahiyo aas-aasi ah. Maanta qorshahan waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay qubarro Soomaali ah oo waliba dhageysan doonaa baahiyaha qaaska ah ee bulshada Soomaliyeed, waxay sameynayaan la tashiyo balaaran ayagoo tagaya dhamaan maamul goboleedyada kana dhageysan doona xogta ama warbixinta sidii loo hormarin laa dalka, talaabooyinka haboon in la qaado, sida ugu haboon ee caqabadaha jira looga gudbi karo, kadibna xogtaas geyn doonaa wasaaradda qorsheynta Galmudug iyo midda Qaranka oo iska kaashanaya hormarintaas. Wasaaradda qorsheynta waxay xoogga saareysaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka loo baahan yahay dhamaan gobol, degmo iyo tuulo.

Wadatashigan wuxuu ahmiyadda koowaad siin doonaa 1. Ururada bulshada 2. Ganacsatada 3. Sharci dejinta iyo 4. Wasaaradaha, sida ay u kala horeeyaan.

Dhanka midig: Wasiir Abdikafi, La taliye Dr. Mohamud HH, La taliye Abdirashiid, DG Abdullahi Sakiin, Xil. Canab.









Haddii lagu guuleysto qorshahan 9aad waxaa la rajeynayaa ama la qiimeyn doonaa dhaqaalaha dalka ayadoo la adeegsanayo wadar xisaabeedka shantii sano ee lasoo dhaafay iyo shanta sano ee qorshahani socdo, isbadalka dhaqaale ee dalku gaaray baa la qiimeyn doonaa.

#QHQ9
#Dhusamareb
#Galmudug






Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR