HOOS U DHACA Sh.So
Waxaan ku nool nahay dal lacagtiisa, baasaboorkiisa iyo nabadiisa ay dhimatay, waxaa kale oo layaab leh in madaxda ugu sareysa dalkaas baaba'ay ay yihiin kuwo wata baasabooro shisheeye oo haddii xilka waqtigiisu dhamaado ama laga qaado isaga tagaya dalka, waxay maalgaliyaan dalal shisheeye, majirto awood la xisaabtameysa oo cadaaladdu awood malahan, haddii ay shaqeysana ayaga ayay u shaqeysaa -dal kulansaday intaas oo dhibaato ayaan ku riyooneyna inuu maalin un wanaagsanaado. Kadib hoos u dhicii lacagta Sh.So, waxaa la bartay dhibaatooyin badan oo laga dhaxlay hoos u dhicii isticmaalka lacagta dalkeenna, waxaa layaab leh in meelaha qaar ee dalka gudihiisa aan laga isticmaalin Shilinka Soomaaliga, dadka ku nool gobolada dhexe Soomaaliya waxaa saameyn balaaran ku yeeshay hoos udhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga, Shalay oo ay taariikdu ahayd Jan 11, 2019 maalin jimco ah ayaa waxaa la waayay dhamaan isgaarsiinta gaar ahaan gobolada dhexe, waxaa joogsaday isweydaarsiga ganacsiga iyo quutul daruuriga oo dhamaantood ku tiirsanaa lacagta elektarooniga (EVC + ) isticmaalka lacatan ayaa qadka ka saartay Shilinkii la isticmaali jiray, meelaha qaar ee dalka gudihiisa waxaa ka shaqeeya Shilinka oo wax baa lagu kala gataa balse boqolkiiba sideetan waxaa wax lagu kala iibsadaa lacagta doolarka oo elektaroonig ah.
![]() |
Waagii Soomaalidu dadka ahayd (50 Shillings) |
Dhacdooyinkii shalay
"waxaan diyaarinnay raashin bisil oo aan keyd galin, dhamaan macaamiisheyda ma heystaan lacag aan wax ku kala iibsanno, waxaa go'an isgaarsiinta, iibkeenna oo dhan waxa uu ku tiirsanaa lacagta elekrarooniga ee EVC" Shalay ayadoo isgaarsiintu go'antahay, waxaan sagootiyay ayeeyadey oo aan gaari u raacaynay ayraboorka si ay diyaarad ugu raacdo Muqdisho, ninkii darawalka ahaa markuu na geeyay meeshaan rabnay waxaa nagu adkaatay inaan siino ijaarkiisii oo ahaa lacag dhan shan doolar, rafaad dheer kadib waxaan bangiga ugasoo qaadnay lacag kaash doolar ah".
-Abwaan Xarago iyo Darawalkii
"Muddo kadib, waxaan rabnay inaan galabkii kubad cayaarno, waxaa adkaatay inaan balamiyo dhalinyaradii aan wada cayaari lahayn, si kadis ah ayaa su'aal la ii weydiiyay -Qof kasta ma gurigiisa baad ugu tageysaa? ...hhh waxaan iri "waan bajineynaa cayaarta" macquul maahan ha baajin saaxiib".
-Yaxye Shaantax iyo Sharmaarke
![]() |
500 Shillings |
![]() |
1,000 Shillings Kunaa u yar kunaa u weyn, halkaas baa noogu war danbeysay. |
Comments