Xagee ka timid Calaamadda Dollarka "$" ?
Qore: Yahya Amir
Xagee ka timid Calaamadda Dollarka "$" ?
inta badan wadamada Caalamku waxa ey calaamad uga dhigaan Lacagtooda Xarafka ama labada Xaraf ee ugu Horeyso. Laakin Dolarka Xarafka "D" loogama dhigin ee waa "S" mana ahan State sida Dadka qaar u maleeyaan.
Hore waxaan Bogeeyga FB idiinkugu soo qoray halka uu ka yimid magaca Dollar, maantana waxaan soo koobaa Calaamadda Dollarka ee $.
Qornigii 16aad Markii Spain ey qabsatay Koofurta America ayey Dhacday Hantidii ey lahaayeen Dadkii Asalka ahaa ee halkaa degenaa Gaar ahaan Dahab farabadan, Dadkii badankiisana waa laayeen. dhulkiina waxa ey siiyeen Magacyadoodii sida Mexico, Peru, Bolivia iwm. waxa ey sameeyeen Lacgta 8da qeybood ee " Peso de Ocho" Ps, pieces of eight. ( F.S: 1aad).
Lacagtoodii loo soo gaabiyay magaceeda "Ps" ayaa qiimo yeelatay. P iyo S ayaa la is dhaxgalyay markii Dambe, hadana P ayaa dheeraatay waxaa lagu bedelay hal xariiq ama Labo xariiq in la dhaxgaliyo sanadkii 1800. ( F.S: 2aad). Kadibna Mareykanka ayaa ka sii qaatay Calaamadii, yaana kugu dheereyne. waxaan u dan leeyahay.
Hadda ka hor ayaa isla bartaan idiinkugu soo qoray, in Maalintii u horeysay ee Dollarka la soo saaray ( F.S: 3aad) ayaa waxaa la arkay Sheydaan oo Darbi fadhiyo oo iska nasanayo. waxaa lagu yiri: weligaa laguma arag Adiga oo nasanayo ee maxaa kugu dhacay?. waxa uu yiri: Maanta waxaa la soo saaray wax la yiraa "Dollar" oo ii qabanayo shaqadii aan qaban lahaa.
Dadka qaar ayuu Diintooda ka saari karaa, Gabar wanaagsan ayuu Akhlaaqda ka dilayaa, Wiil ayuu Caasi ka dhigayaa, Qooysas ayuu kala dirayaa, Culimaada qaar ayuu ku khasbayaa in eynan Runta sheegin, Qaaliga ayuu farayaa in uu Dulmiga taageero, Ganacsaduhuna in uu garaad beelo, Siyaasiguna in uu Dadkiisa duleeyo, Asgarigu in uu dambiilaha u adeego, in Beentu Badeeco noqoto, in Dhaqanka Dhuuntu weeynaato, in Ergadu laaluush qaadato, in Xildhibaanku xaaraan raadiyo, In Muslimku walaalkii dilo, iyo in Jameecadeeyda aan Naarta ugu yeerayo ey Badato.
FG: Akhristow, Doorlarka isticmaal ee yuuna Adiga ku isticmaalin. waa iga talo.
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhiman ku dar.
Fadlan talooyinkaan la wadaag walaalahaa, asxaabtaada iyo kuwa aad jeceshahay.
Comments