Xagee ka timid Calaamadda Dollarka "$" ?
Qore: Yahya Amir Xagee ka timid Calaamadda Dollarka "$" ? inta badan wadamada Caalamku waxa ey calaamad uga dhigaan Lacagtooda Xarafka ama labada Xaraf ee ugu Horeyso. Laakin Dolarka Xarafka "D" loogama dhigin ee waa "S" mana ahan State sida Dadka qaar u maleeyaan. Hore waxaan Bogeeyga FB idiinkugu soo qoray halka uu ka yimid magaca Dollar, maantana waxaan soo koobaa Calaamadda Dollarka ee $. Qornigii 16aad Markii Spain ey qabsatay Koofurta America ayey Dhacday Hantidii ey lahaayeen Dadkii Asalka ahaa ee halkaa degenaa Gaar ahaan Dahab farabadan, Dadkii badankiisana waa laayeen. dhulkiina waxa ey siiyeen Magacyadoodii sida Mexico, Peru, Bolivia iwm. waxa ey sameeyeen Lacgta 8da qeybood ee " Peso de Ocho" Ps, pieces of eight. ( F.S: 1aad). Lacagtoodii loo soo gaabiyay magaceeda "Ps" ayaa qiimo yeelatay. P iyo S ayaa la is dhaxgalyay markii Dambe, hadana P ayaa dheeraatay waxaa lagu bedelay hal xariiq ama Labo xariiq in la dhaxgaliyo...