Maslaxo Qaran -Rowda Olad

3Minute read

Article Author: Rowda Olad 

Bismillaah,

Waxaa muuqata in dalku galay xaalad qatar ah oo u baahan in laga badbaadiyo. 

Waxyabaaha aan ku arkay Soomaaliya waxaa iigu xanuun badan: 

La-taliyayaasha  madaxda dalka amase qofka masuulka ah xilkuu doonaba ha hayee in uu san ka qaban karin qataraha keenaya burburka dadkeena iyo dalkeena. Uma sheegaan sax iyo qalad ee qaarbaaba u sacaba tuma ayaga oo dantooda fiirsanaya. 

Waxaase ka sii daran kuwa siyaasad ama dan ka sii dhex raadinaya arrimaha masiiriga u ah Jiritaanka Soomaaaliya iyo Soomaalinimada.

Waa muuhiim in qofkasto oo saameyn leh amase lataliye la dhageysta ah in uu lahaado aragti fog oo marnaba siyaasiga  uu san kayeelin, ogana digo go’aan kasta oo dhibaato keenaya. 

Inta damiirka dadnimo ay ku hartay oo  dantooda ugu weyn tahay badbaadinta dalka iyo dadka ha u istaagaan in ay ka hortagaan waxkasta oo keeni kara dib u noqosho.

Maxaa ka dhalan kara siyaasadda af isku weeraraka ah iyo wareegtooyinka isdaba yaal ee baryahan socday? 

1. Dhaawac ku yimaada dhammaan qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowladda oo ay ugu horeeyaan kuwa amniga.

2. Amniga oo qatar gala, kala shakis iyo isla shaqeyn la’aan xafiisyada dowladda.

3. Niyad jab ku dhaca shacabka Soomaliyeed oo ay ka niyad jabaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan iyaga oo u arkaya in daacadnimada iyo caddaaladda siyaasiga ay ku egtahay inta uu haminayo xil ama darajo.

4. Waxaana ugu daran Af weerarka siyaasadeed in uu isku badalo qalalaaso iyo dib u dhac.

Hadaba, ciidamada iyo dhammaan shaqaalaha rayidka ah, ha ka fakaraan:

Siyaasiga wuu imaadaa, waana tagaa. Laakiin noqda maanta halyeeyada ilaashada danta guud. 

Iska ilaaliya in ay idin saameyso lagdanka siyaasadeed. 

Aan xasuusanno oraahdii aheed “ma liibaanayaasha lagu liibaaney” yaanan marqaati ka noqonin dhibaato dhacdo.

Shacab iyo ciidan dhamaanteen aan ilaalinno amniga guud ee dalka iyo gaar ahaan caasimadda. Ogow dalkaad u shaqeeysaa hadaad ciidan tahay. 

Waxgaradka, culumada, haweenka, ganacsatada, oo dhammaantood ka mid ah bulshada rayidka waa in ay ilka yeeshaan marka ay xaaladdan oo kale ay taagantahay.

Intaas waa iga dardaaran, dalkaan meesha fog laga keenay yaanan dib u loo celin!

#MaslaxoQaran

Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR