Galmudug

2 Minute read

Article Author: SharmaarkeHM 


...Galmudug

Waxaa lagasoo maray dhib aan yareyn, wali wuxuu u baahan yahay in la ilaaliyo oo lama mid aha maamul goboleedyada kale. Xukuumaddii madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa dadaal badan ku bixisay -qaas ahaan wasiirkii arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa.

...waa taariikh dheer oo u baahan in si gooni ah looga sheekeeyo intii maamulku uu ku shaqeynayay Cadaado oo ahayd xarun kumeelgaar ah.

Maanta
Isqab-qabsi dheer iyo haadaamo lagasoo gudbay, maanta waxaa dib u bilowday is aruursi iyo diyaargaroow ay sameynayaa culumadii xukumi jirtay gobolada dhexe qeybo ka mid ah. Waa qatar kale oo weyn in la abaabulo xasarado la mid ah kuwii lasoo maray. Culumadu waxay hanteen quluubta dadyow badan oo Galmudug awood ku leh -Guriceel, Dhusamareb, Cabudwaaq, Cadaado, Galkacyo iyo deegaano kale. Waxaa laga yaabaa inay helaan dhageystayaal aad ugu xiran oo fuliya amarada loo baahan yahay maanta inay ka hirgalaan gobolada dhexe ee Soomaaliya. La wareegista awooda maanta loo yaqaano "Dowladnimo" oo aan wax qiimo ah ugu fadhin dadka gobolada dhexe... tusaale; 1. Amniga oo ahaa mid gacanta ugu jira culumada. 2. Isku xirnaanta bulshada iyo diyaarsanaantooda. 3. Muujinta lahaansho goboleed. 4. Isku dayga in maamulka laga qeybgaliyo bulsho aan ku nooleyn deegaanka. 5. Hirgalinta aragtida suufiyada. Iyo 6. Ilaalinta awoodda gobolada dhexe.

Barri
Isku dayga ku guuleysiga arrimahaas lixda ah waxay suuragalin karaan inaan waligeed la ilaawin culumada waxqabadkooda. Barri ka maalinna waxaa sii socon kara oo aan joogsaneyn isqab-qabsiga ku saleysan dood, dagaal iyo xukunmarooqsi.

Labada aragti
Ugu danbeyn, aragtida 1aad ee ah in Galmudug tahay maamul goboleed ka dhisan gobolada dhexe oo xitaa culumadu ay wax ka dhisteen, saami fiican oo 20 xildhibaan ah ku leeyihiin matalaad ahaan ayaa ah mid la qurux badan dad aad u badan oo aqoonyahano, sharci yaqaano iyo indheergarad ah oo ku doodaya ama aragti ahaan qaba in la dhiirigaliyo maamul goboleedka maadaama uu howlo badan oo 1. Amni 2. Siyaasad 3. Waxbarasho iyo 4. Adeeg bulsho/taageere bini-aadannimo uu siiyo dadka ku nool Galmudug.
Aragtida 2aad ee xaqiiqda ah waa in Galmudug ay ka gaabisay waajibaad badan oo maanta dayacan sida 1. Amniga 2. Adeeg bulsho oo sidii laga rabay ahayn iyo 3. Qaddiyado kale... oo culumadu ay aad ugu doodayaan.

Xalka
Waxaa dadka oo dhan deeqa ama qancin kara "ka qeybgalin, isku tanaasul iyo wax ka qabasho arrimaha amniga ee gobolka" ama in Galmudug ay noqoto maamul ay ka shaqeyn karaan xisbiyo diimeedyo badan oo aan ku koobneyn culumada kaliya. Si markii doorasho la gaaro aysan u dhicin qal-qal galin maamulka jiritaankiisa ama aan loo guur-guurin, Galmudug waa inay dhistaa ciidan awood leh oo ka hortagi kara qalalaasahaas, sidoo kale in la abuuro barnaamijyo dood cilmiyeed ah oo aan kaliya warbaahinta qolo kasta kaligeed isku camirin. Dood cilmiyeed caafimaad qaba oo lagu casuumayo hogaamiyeyaasha ama afhayeenada xisbiyo diimeedyada ama siyaasadda.

Fadlan ku dar aragtidaada, wixii aan qalday iga sax oo halka hoose ku qor sida ay kula tahay... Mahadsanidiin.
Dhamaad.

Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR