Posts

Showing posts from 2017

Jaceyl Turjubaan ma waayo!

Image
Xili aan safar uga soo ambabaxay magaalada Muqdisho oo aan usocday magaalada Cadaado, waxaa diyaarada wada saarneyn labo nin oo turkey ah iyo turjubaankooda, mid ayaa fadhiyay kursiga i xiga, waxaa na dhex martay sheeko, isbarasho kadib waxaan weydiiyay waxa ay Cadaado ugu socdaan, waxa uu ii sheegay in ay u socdaan munaasabada IIDUL ADXA si ay kaga qeybqaataan xoolaha la qalayo, waxaan imaanay magaalada Cadaado. Mudo kadib ayaa waxaan maqlay in mid ka mid ah walaalihii Turkiga uu jeclaaday gabar intii munaasabada ay socotay, ninka ayaa deganaa hotel ii dhow oo aan galabkii shaah ku wada cabi jirnay, waxaan weydiiyay sababta uu u jeclaaday? waxa uu yiri "waxaan ku jeclaaday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Aqlaaqda, xishoodka, asturnaanta iyo dhoola cadeynta. Waxaan wareystay dad kala duwan oo munaasabadda kala shaqeynayay waxa ay ii sheegeen " gabadha waxa ay ka shaqeyneysay munaasabadda IIDUL ADXA, ayadoo hilib jarjareysa ayaa gacanta midi ka qashay, ka dib waxaa...

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

Image
Goobtani, waa meel lagu magacaabo Cadakibir oo sanadihii danbe loogu magac daray "Cadobarwaaqo", waxaan safar dheer u galnay aniga iyo koox macalimiin ah, sidii loo hormarin lahaa waxbarashada oo loo gaarsiin lahaa goobaha ay hadda ka fogtahay oo aan badneyn. kooxda waxa ay ku xiran tahay jaaliyadda dalka sweden, oo inta badan gacan ka siisa qeybaha kala duwan ee hormarinta bulshada sida, waxbarashada, caafimaadka iyo hormarinta amniga. waxaan maanta dhisnay iskuul balaaran oo ay fariisan karaan ugu yaraan 3,000 oo arday, balse wali uu dhismihiisii socdo. Aniga iyo Da'yartii Cadakibir

Jubaland oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

Image
Kooxda kubadda cagta ee Jubaaland ayaa ku guuleysatay koobka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya. Jubaland ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Puntland oo difaacanayay koobka. Tartankii sannadkii tagay Puntland ayaa qaaday koobka oo dhammaadka ay isugu yimaadeen Jubaland. Labada koox waxaa ka dhexeeyo loolan adag. Goobla waxaa dhaliyay Yoonis Xuseen Maxamed oo kooxdiisa u horseeday in maanta ay ka aargudato Puntland.

Somalia/Mogadishu International Port

Image

Grandi: Soomaaliya rajo wanaagsan ayaa ka jirto, ka soke colaadda iyo abaarta

Image
Madaxa hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey, Filippo Grandi oo dhowaan booqasho ku tagay Soomaaliya, ayaa rajo ka muujiyay sida uu dalka u soo kabanayo. Wuxuu sheegay in uu arkay dhibaatada ay sababeen "amni darrada iyo abaaraha" balse in ay "rajo wanaagsan ka jirto" dalka. Wuxuu qiray in qaxootiga dib u laabanaya ay qeyb ka noqon karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo ay colaado ka jiraan. Meelaha uu booqday waxaa ka mid ah goobaha la dejiyay dadka ka tagay xeryaha Dhadhaab ee Kenya ee la geeyay Soomaaliya iyo meelaha ay ku nool yihiin barakacayaasha. "Booqashada uu ku tagay magaalada seddaxaad ee ugu wayn (Kismaayo), wuxuu ku arkay dhibaatada ay u geysteen 28 sanno oo colaad ah, laakiin waxaa jiro calaamado la arki karo oo ah soo celinta ganacsiyada jidadka ku yaalla, sida dukaamo ay furteen qaxootiga soo noqonaya", ayaa lagu qoray  barta UNCHR. MSF: Qaxootiga Dhadhaab badankood noqosho diyaar uma ahan Amnesty: Kenya wa...

Hebeenkii Xidigo hoobadka

Image
# Geminids # Meteor_Shower Hebeenkii Xidigo hoobadka 14 December Fiidkii hore caadi ayuu ahaa cirku lkn qiyaastaydii 12:00 PM ayay si rasmi ah u bilowdeen somalia waxayna xidiguhu daadanayeen ilaa 02:00 AM habeenimo, labadii saacdood ee daadashada aniguna waxaan ku mashquulsanaa inaan iyaga sawiro, kuwan aad arkeysaan waa xulka sawiradii habeenkaa aan qaaday oo boqol koor u dhaafayay, Goobtuna waa barxad cadaado caan ka ah oo layiraahdo "Haraaley" Xidigo hoobadka "Meteor Show er" sanadkii mar ayuu ka dhacaa cirka, waxa uu la xiriiraa Cilmul falaka "Astronomy", markii ugu horeysay waxaa la'ikhtiraacay 1862-dii. # CADAADO Xigasho: Saxnuuni Axmed

Duurjoogtii Soomaaliya Oo Kusoo Guryo Noqday Jubada Hoose

Image
Warbaahinta caalamka ayaa qortay in duurjoogtii dalka Kenya ay usoo baxsatay gudaha dalka Soomaliya, waxaana ka mid ah duurjoogta soo gashay Soomaaliya  Maroodiga, Lo gisiga, Goronyada, Libaaxa, Haramcasta, Geriga iyo kuwa kale oo badan waxaana ugaartaas badankeed lagu arkay gobolka Jubada Hoose. Duurjoogta ayaa la aaminsanyahay iney kasoo barakaceen keynta Boni ka dib markii halkaas ay ka dhaceen marar is xigxiga dagaalo dhexmaray xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dalka Kenya, waxaana ammaan darida ka dhalatay ay sababtay iney usoo qaxaan gudaha Soomaliya. Keynta Boni ayaa ah meel aad ugu caan ah ugaarta noocyadeeda ka gedisan waana meel u dhaw xuduuda Soomaaliya ay la leedahay Kenya. “Xayawaanku dib ayuu ugu soo laabanayaa gudaha magaalada isagoo u socda raxanraxan waxaa aragnaa goronyo agteena socota haramcas iyo Maroodi ayaa iyaguna jooga bannaanka magaalada sidaana waxaa warbaahinta u sheegay gudoomiyaha degmada Badaade Haybe. Kenya Boni ayaa u ahayd saldhig weyn duur...

Sawirro: Quruxda qarsoon ee qeybo ka mid ah Soomaaliya

Image
Soomaaliya shalay waxaa laga maamuusay maalinta dalxiiska adduunka. Balse dalka wuxuu leeyahay dhul badan oo qurux badan oo loo dalxiistagi karo, inkastoo meelaha qaar ay amni xumo ka jirto. Qeybo ka mid ah sawirrada Soomaaliya ee quruxda badan ayaan halkan ku soo bandhigeysaa.

Diyaarado ugaarsanaya duur-joogta Somalia

Image
Dad reer miyi ah oo ku nool deegaanadda ku dheerarsan xeebaha Soomaaliya ayaa ka cabanaya diyaaraddo la sheegay in ay yihiin kuwo helokobtaro ah oo saaran yihiin ciidamo ajnabi ah oo si sharci daro ah ku ugaaraysta duurjoogto. Diyaaradahaas ayaa la sheegaya in ay ka soo duulayaan maraakiib taagan badda Somalia ee ilaalada ka ah xeebaha Somalia, kuwaasi oo yimaad dhulka miyiga ah ee u dhaw xeebaha. Maxamed Xuseen Warsame oo ka mid ah odoyaasha deegaanka ku dhadharan xeebta ee Ceel Dhanaane ayaa BBC u sheegay in dadku ay arkeen diyaaradaha dhinaca badda ka imaanaya oo Helicoptaro ah oo saddex saddex u socda, kuwaasi oo ugaarsanaya xayawaanaadka Deerada, Sagaarada iyo noocyada kale ee duurjoogta. Dadku waxay sheegeen in ciidamadu ay hawo ku furaan xayawaanka oo ay saartaan qaarkood diyaaradda iyagoo nool marka ay qabtaan.

Mo Farah oo ku guuleystay Abaalmarinta BBC ee shaqsiga ugu wanaagsan Cayaaraha 2017

Image
Isniin, December, 18, 2017 (HOL) Mo Farah oo ku guulaystay oradka 10,000 ee mitir ee adduunka ayaa ku guulaystay Abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka. Mo Farah oo 34 sano jir ah ayaa markii saddexaad oo xiriir ah ku guulaysay billadda dahabka ah ee orodka 10,000 ee mitir. Wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee Oroddada dhaadheer ka qaybqaata ee ku guulaysta abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan Ciyaaraha tan iyo markii uu isla abaalmarintaas helay Paula Radcliffe sannadkii 2002. Jonathan Rea ayaa kaalinta labaad galay halka Jonnie Peacock oo naafo ahna uu kaalinta saddexaas ka galay. Farah uma aysan suurtogalin in uu ka qaybqaato xalfadda abaalmarinta oo Liverpool ka dhacday, balse muuqaal toos ah ayuu soo galay oo lagu gudoonsiiyay. Kenny Dalglish oo afka hore uga dheeli jiray Liverpool iyo Scotland ayaa ku dhawaaqay abaalmarintan kaddib markii ay bulshadu coddaysay. Mo Farah oo London ku sugnaa ayaa u muuqday in uu aad ugu faraxsanaa a...

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK

Image
Orodyahanka Mo Farah ee heesta Dhalashada dalka Britain una dhashay Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in la siiyo abaal marinta darajada sare oo ay bixiso Boqarada UK loona yaqaano Knighhood. Mo Farah ayaa marar kala duwan ku guuleestay billado badan ay ku jiraan Dahab. Ciyaaryahankan ayaa difaacday tartanka Orodka 10-ka kun mitir ee London 2012, isagoo Fursad weyn u heeysta inuu difaacdo biladiisa dahabka ah ee orodka 5-ta kun mitir maalinta axadda oo uu ordi doono. Haddi orodyahankan ku guukeeysto tartanka 5-ta kun mitir, ayaa waxaa ka shiri doona gudiga isboortiga ee daroojinka ka dib geesinimadii uu tartamada ku soo bandhigay sida uu qoray Waegeyska The Times. Gudigaan ayaa go’aanka ugu danbeeya iska leh laakiin waxaa la fahamsan yahay in Mohamed Farah loo magacaabi doono darajada ‘Sir’ marka la bixinayo darajooyinka sannadka cusub bisha December ee soo socota.

Somalia oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo

Image
Muscat, 12 December 2017 – Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo. In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen. Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah. Shirkan ayaa...

Soomaaliya iyo Sharciga

Laga soo bilaabo burburkii dowladdii dhexe, waxaa soo ifbaxay hogaamiye kooxeedyo iyo qabaa’ilo jecel in ay sharciga u dhigaan sida ay doonaan. Dowlad kasta oo xilka la wareegta waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay koox kaliya oo dooneysa in ay wadanka ku maamusho sida ay la tahay, iyada oo aan wax sharci ah marina fulisa amarada ay rabto. Waxaa sharafxumo ah in wadan uu ku dhisnaado nidaam gardaro ah ama bulsho gooni ah awooda siinaya halka kuwa kale ay ka yihiin wax kuma ool, waxaa kale oo ay Soomaaliya la daala dhaceysaa dhibaatooyin lagu abuuray nidaam qabiil ama hogaamiye kooxeed. Waxaa la qeybsaday hantidii guud iyo xukunkii, waxaa suura gali waysay in lagu heshiiyo oo dowladnimo la horseedo, xitaa waxaa suuro gali waysay in la muujiyo qaab dowladnimo iskaba daa in la sameeyo ayadoo dhab ah. Soomaaliya waxaa la saadaaliyay in ay kaga bixi doonto dhibaatooyinkan soo noqnoqday mudo aad u dheer, waxaa la sugayaa in waqtiga uu wax badalo maadaama siyaasiyiintii ay badali waayeen.

Amisom Maxay ka Qabteen Soomaaliya?

Image
Waajibaadka AMISOM AMISOM, as a multidimensional Peace Support Operation, is mandated to: Reduce the threat posed by Al Shabaab and other armed opposition groups. Provide security in order to enable the political process at all levels as well as stabilisation efforts, reconciliation and peacebuilding in Somalia. Enable the gradual handing over of security responsibilities from AMISOM to the Somali security forces contingent on abilities of the Somali security forces. To continue to conduct offensive operations against Al Shabaab and other armed opposition groups Hadaba qodobadaan kor ku xusan immisa ayay gaareen? Maxaa u hirgali waayay? Sidee loo baahnaa inay ula shaqeeyaan ciidanka xooga Soomaaliyee? Mana difaaceen, mise ayaga ayaan difaacnay? Qodobada kor ku xusan waxa ay gaareen in ay yareeyaan caqabadaha iyo halista, balse waxa ay u muuqataa in Soomaaliya dhanka amniga ay tahay "Jug jug meeshaada joog" oo wax hormar aan laga gaarin maalgalinta iyo howsha...

Nabadoonada Reer Xaaji Suleymaan oo si cad uga horyimid heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna

Nabadoonada Beesha Reer Xaaji Suleymaan ayaa si cad uga horyimid heshiiskii ay Galmudug iyo Ahlu sunna ku gaareen jabuuti, sidoo kale nabadoonada ayaa been abuur ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxda Galmudug oo ahaa in ay beesha Reer Xaaji Suleymaan ku qanacsan yihiin heshiiska.