Grandi: Soomaaliya rajo wanaagsan ayaa ka jirto, ka soke colaadda iyo abaarta

Madaxa hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey, Filippo Grandi oo dhowaan booqasho ku tagay Soomaaliya, ayaa rajo ka muujiyay sida uu dalka u soo kabanayo.
Wuxuu sheegay in uu arkay dhibaatada ay sababeen "amni darrada iyo abaaraha" balse in ay "rajo wanaagsan ka jirto" dalka.
Wuxuu qiray in qaxootiga dib u laabanaya ay qeyb ka noqon karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo ay colaado ka jiraan.
Meelaha uu booqday waxaa ka mid ah goobaha la dejiyay dadka ka tagay xeryaha Dhadhaab ee Kenya ee la geeyay Soomaaliya iyo meelaha ay ku nool yihiin barakacayaasha.
"Booqashada uu ku tagay magaalada seddaxaad ee ugu wayn (Kismaayo), wuxuu ku arkay dhibaatada ay u geysteen 28 sanno oo colaad ah, laakiin waxaa jiro calaamado la arki karo oo ah soo celinta ganacsiyada jidadka ku yaalla, sida dukaamo ay furteen qaxootiga soo noqonaya", ayaa lagu qoray barta UNCHR.
Dib u celinta qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab waxay billaabatay laba sanno ka hor ka dib markii ay ku heshiiyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay'adda UNHCR.
Qaxaatiga la celinayo waa kuwa ayaga iskood u go'aansaday in ay dib ugu noqdaan dalkooda. Heshiiska ayaana mamnuucayo in qasab lagu celiyo qofkii aan dooneyn in uu Soomaaliya ku laabto.
Faadumo oo ku dhalatay xeryaha Dhadhaab ayaa Soomaaliya ku noqotay iyadoo caruur wadataLahaanshaha sawirkaUNHCR/FEISAL OMAR
Image captionFaadumo oo ku dhalatay xeryaha Dhadhaab ayaa Soomaaliya ku noqotay iyadoo caruur wadata
"Waxaan qaxootiga u aragnaa in ay muhiim u yihiin waxa aan u baahannahay in aan maalgashano", ayaa lagu qoray warbixinta UNHCR.
"Qaxootiga waxay noqonayaan awoodda dalka dib loogu dhisayo marka ay iyaga go'aansadaan in ay dib u noqdaan," ayuu yiri Grandi.
Wuxuu sheegay in ay inkabadan 100,000 oo qof ay ka caawiyeen in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, labadii sanno ee la soo dhaafay.
Laakiin inkabadan hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa weli dunida qaxooti ku ah, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey.
"Waa natiijo wanaagsan in la arko dhallinyaro ka tagaya qaxootinimada oo dalkooda ku noqonaya," ayey tiri hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey.
Filippo Grandi ayaa la kulmay dhallinyaro dib ugu noqday Soomaaliya oo qaar ka mid ah ay muddo ku noolaa xeryaha Dhadhaab. Tallaabadaasi ayuu u arkaa in ay rajo wanaagsan u noqoneyso in Soomaaliya ay ka soo kabsato colaadaha ragaadiyay.
Filippo Grandi ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray farriintan intii uu ku sugnaa Kismaayo.
Intii uu Soomaaliya ku sugnaa, wuxuu magaalada Ksimaayo ku soo bandhigay guryo cusub oo loo diyaariyay qaxootiga doonaya in ay ka noqdaan xeryaha Dhadhaab oo ay "qeyb ka noqdaan dib u dhiska dalka".
Grandi, wuxuu arkay ardey waxbarasho ku jirta wuxuuna sheegay: "Wiilashan iyo gabdhahan waxay ku barbaareen xeryaha qaxootiga. Hadda qaxooti ma ahan".
Farxaan Cabdi iyo qoyskiisaLahaanshaha sawirkaUNHCR/GEORGINA GOODWIN
Image captionFaarax Cabdi iyo qoyskiisa waxay ka mid yihiin dadka ugu horeeya ee degay guryaha ay dhistay UNHCR oo xarigga uu ka jaray Filippo Grandi, madaxa UNHCR, Sida ay sheegtay hay'adda
Dowladda Soomaaliya ayaa weli la daalaa dhaceyso in ay amniga dalka wada hanato.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Grandi wuxuuna u sheegay "waxaan dooneynaa dadkeena. Kani waa dalkooda", sida ku qoray barta UNHCR.
Balse, waxaa la xusay in Farmaajo uu tilmaamay "in aysan dooneyn qaxooti soo noqday oo barakacayaal ku ah dalka gudihiisa".
Walaaca ugu badan ee ay qabaan qaxootiga noqonayo waa amni xumada dalka qeybo ka mid ah ka jirto.

Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR