Soomaaliya iyo Sharciga


Laga soo bilaabo burburkii dowladdii dhexe, waxaa soo ifbaxay hogaamiye kooxeedyo iyo qabaa’ilo jecel in ay sharciga u dhigaan sida ay doonaan. Dowlad kasta oo xilka la wareegta waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay koox kaliya oo dooneysa in ay wadanka ku maamusho sida ay la tahay, iyada oo aan wax sharci ah marina fulisa amarada ay rabto. Waxaa sharafxumo ah in wadan uu ku dhisnaado nidaam gardaro ah ama bulsho gooni ah awooda siinaya halka kuwa kale ay ka yihiin wax kuma ool, waxaa kale oo ay Soomaaliya la daala dhaceysaa dhibaatooyin lagu abuuray nidaam qabiil ama hogaamiye kooxeed. Waxaa la qeybsaday hantidii guud iyo xukunkii, waxaa suura gali waysay in lagu heshiiyo oo dowladnimo la horseedo, xitaa waxaa suuro gali waysay in la muujiyo qaab dowladnimo iskaba daa in la sameeyo ayadoo dhab ah. Soomaaliya waxaa la saadaaliyay in ay kaga bixi doonto dhibaatooyinkan soo noqnoqday mudo aad u dheer, waxaa la sugayaa in waqtiga uu wax badalo maadaama siyaasiyiintii ay badali waayeen.

Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR