Dhalinyarada Dhiso Dhulkaaga
Dhiso dhulkaaga waa dhalinyaro isu xilqaantay in ay wax u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, oo ay hormariyaan kuna hagaan fikiro iyo waxqabadyo dhaxal gal u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Galmudug State, waxa ay diirada saaraan baahida, sida ay uga jawaabi lahaayeen baahida kala duwan oo ka jira deegaanka, inkastoo aysan jirin dowlad si deg-deg ah uga jawaabta baahidaas, waxaa la gudboonaatay in ay isu xilqaamaan maadama ay yihiin dadka ay sugeyso howshan maanta iyo mustaqbalka. Waxaan tiigsaneynaa hormar iyo bilic, magaalooyin qurxoon iyo dad hormarsan dhamaan qeybaha kala duwan sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Dhismaha iyo hormarka qeybihiisa kale. "Waxaa sharaf weyn noo ah, inaan waxqabadyo aan ku hormarino dalkeena iyo dadkeena" -Dhalinyarada Dhiso Dhulkaaga.
Aas-Aasayaasha Dhiso Dhulkaaga
Nov 20, 2017 Monday
Dhalinyarada Dhiso Dhulkaaga waxa ay ka bilaabatay siminaar ay qabatay wasaaradda xuquuqul Aadanaha iyo haweenka, Agaasime Hamdi Gob ayaa ku casuuntay kasoo qeybgalayaal ka kooban Agaasimeyaal iyo hogaamiyeyaal kale. Siminaarka ayaa ka dhacayay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado, waxaa siminaarka looga hadlayay xuquuqda carruurta. Ka hor inta uusan bilaaban siminaarka ayaa dood cilmiyeed dhaxmartay kasoo qeyb galayaasha ayaa la isku weydiiyay sida loo hormarin karo carruurta, waxaa inta badan kasoo qeybgalayaasha ay ka hadleen dhibaatooyinka heysta hormar la'aanta wadanka iyo caqabadaha hortaagan sidii looga gudbi lahaa. Nasiib wanaag waxaa xubno ka kooban shan ruux ay isu xilsaareen in ay isu xilqaamaan waxqabad si iskaa ah (Volunteer), waxaa ay isu keeneen ra'yi kala duwan oo lagu hormarin karo dadka iyo dhulka.

![]() |
Hamdi Gob: Gudoomiyaha Dhiso Dhulkaaga |
![]() |
Mohamed Garaad: G/ Ku Xigeenka Dhiso Dhulkaaga |
![]() |
Sharmaarke Hassan: Madaxa Qorshaha, Dhiso Dhiso Dhulkaaga |
![]() |
Abukar Abwaan: Xoghaye, Dhiso Dhulkaaga |
![]() |
Muhudiin Muuse: Afhayeen, Dhiso Dhulkaaga |
Comments