Our Graduation Ceremony, HIU
Jaamacadda Caalamiga Horseed
جا معه هرسيد العالمية
Horseed International University
20-May-2017
08:30 pm
Jaamacadda Caalamiga Horseed waxay soo saartay in ka badan 1,000 arday sanadkan 2017 oo ka qeyb qaadan doonaa shaqooyinka iyo hormarka dalka, waxaa mahad leh Alle oo noo suurta galiyay fursadan qaaliga ah iyo macalimiinta, maamulka Jaamacadda Caalamiga Horseed, waxaan in badan ku dadaalnay sidii aan ku gaari laheyn nolol wanaagsan oo xaqiiq ku dhisan. Kuliyadda maamulka ganacsiga iyo xisaabaadka (Business Administration) oo ahayd mid u baahan dadaal iyo hormarin marka la eego dalkeena halka uu ka marayo ayaa waxaa ku faraxsaneyn inaan ku dadaalno oo heer fiican gaarsiino, waxaa noo suurta galay intii aan ku guda jirnay barashada kuliyadan; inaan hormarino oo aan talooyin wax gal ah usoo jeedinay ganacsato badan oo ay talooyinkaas dhaqan galiyeen. Mid ka mid ah talooyinkii aan soo jeedinay waxaa ka mid ahaa (maamulka qatarta iyo ceymiska) oo bankiga (Dahabshiil Bank International) uu naga gudoomay, waxaa kale oo ka mid ahaa (Habka loo dhiiri galiyo shaqaalaha) oo isla bankiga (Dahabshiil Bank International) uu naga gudoomay. Waxaa ku faraxsan nahay inaan si qurxoon oo nabad ah ku soo abaabulno xaflad aad u qurxoon oo lagu wada farxo.
Sawir koox ah: Waxqabad muujin.
Waxaan soo afmeernay dhamaadka sanadkii 2aad waxqabad ay ka qeyb galeen dhamaan kuliyadaha ay jaamacaddu ka kooban tahay, tartan aad u qiimo badan oo ay soo diyaariyeen maamulka jaamacadda oo ka kooban; 1. Biyo cabis 2. Xarig jiid 3. Moos cunis 4. iyo ukun afka lagu qaadayo, Dhamaan tartamada waxa ay ahaayeen kuwo ku xadidan waqti, biyahah iyo mooska waa labo tartame iyo labo caag caafi waaweyn/moos, hadii laga hor dhameysto tartamaha B waxaa guuleystay tartamaha T, hadii laga hor dhameysto tartamaha T waxaa guuleystay tartamaha B, Xarig jiidka iyo ukunta waxa ay ahaayeen waqti oo kooxdii ukunta ama xariga geysa meesha loogu talagalay ayaa guuleysatay.
Bilowgii 2014: Kuliyadda Ganacsiga iyo Xisaabaadka, semester One.
Ugu danbeyn waxaan diyaarinay buugii qalin jabinta oo tijaabo ah, waxaa kuliyadeena la taliye (supervisor) u ahaa (Lecture Abdikarim Fagaase) oo maadada cilmi baarista (Research and Methodology) noo dhigayay, waxaa ardayda loo qeybiyay kooxo kala duwan waxaana la siiyay ciwaan ay koox waliba diirada ku saareyso xalka loo heli karo dhibaato jirta ama fikrad cusub oo lasoo kordhiyo. Ciwaankii nagu soo aaday waxa uu ahaa Maamulka qatarta deegaanka (Environment and Risk Management), waxaan iska kaashanay soo saarista fikir lagu xaliyo dhibaatooyinka deegaanka, waxaa noo suurta gashay inaan dhameystirno oo aan gudbino buugii oo dhameystiran.
Amran Hassan: Faculty of Information Technology (IT)
Ardayda ka qalin jabisay kuliyadda (Computer Science/IT), waxa ay diyaariyeen ciwaano kala duwan oo tijaabo ah isla markaana lagu dhisay garaadka ardayda si ay dhamaadka daraasada u noqdaan kuwo ka jawaabi kara baahida deegaan iyo mida ganacsi ee ka jirta dalkeena. Waxaa jiray program-yo badan ay soo saareen oo laga hirgaliyay ganacsiyo badan oo deegaankeena ka dhisan, programs-kaas waxaa ka mid ahaa sida loo maamulo iskuulka (School Management) iyo baarista lacagaha (computer auditing), Nasiib wanaag waxa ay gudbiyeen fikrado dhaxal gal ah iyo buugii oo dhameystiran.
Semester Three: Maalin Farxad leh.
Guntii iyo gaba gabadii waxaa si nabad ah usoo xirmay daraasadii oo ay ardaydii noqdeen kuwo hogaamin kara dalkooda oo u diyaarsan inay xaliyaan baahiyo badan oo ka jira deegaanka, maalmihii u danbeeyay ee qalin jabinta waxa ay Jaamacadda Caalamiga Horseed balanqaaday in ay usoo bandhigi doonto fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho dibeda ah.
Comments