Jaceyl Turjubaan ma waayo!
Xili aan safar uga soo ambabaxay magaalada Muqdisho oo aan usocday magaalada Cadaado, waxaa diyaarada wada saarneyn labo nin oo turkey ah iyo turjubaankooda, mid ayaa fadhiyay kursiga i xiga, waxaa na dhex martay sheeko, isbarasho kadib waxaan weydiiyay waxa ay Cadaado ugu socdaan, waxa uu ii sheegay in ay u socdaan munaasabada IIDUL ADXA si ay kaga qeybqaataan xoolaha la qalayo, waxaan imaanay magaalada Cadaado.
Mudo kadib ayaa waxaan maqlay in mid ka mid ah walaalihii Turkiga uu jeclaaday gabar intii munaasabada ay socotay, ninka ayaa deganaa hotel ii dhow oo aan galabkii shaah ku wada cabi jirnay, waxaan weydiiyay sababta uu u jeclaaday? waxa uu yiri "waxaan ku jeclaaday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Aqlaaqda, xishoodka, asturnaanta iyo dhoola cadeynta. Waxaan wareystay dad kala duwan oo munaasabadda kala shaqeynayay waxa ay ii sheegeen " gabadha waxa ay ka shaqeyneysay munaasabadda IIDUL ADXA, ayadoo hilib jarjareysa ayaa gacanta midi ka qashay, ka dib waxaa si deg-deg ah usoo gaaray ninkii Turkiga ahaa oo watay boorso ay ku jiraan qalabka gar-gaarka deg-dega, waxa uu ka duubay gacantii ay mididu ka qashay, intii uu dhayida waday ayuu ka helay gabadha, kadib wuxuu u yeeray turjubaankii oo ku yiri "Gabadha ii weydii in ay xaas tahay iyo in kale" turjubaankii ayaa weydiiyay gabadha in la qabo iyo in kale, waxa ay ku jawaabtay "Waxaan ahay gabar" ka dib waxa uu weydiiyay meel laga xiriiri karo, waxa ay siisay lambar laga heli karo.
In mudo ah xiriir socday oo uu turjubaanka wax ka waday ayaa waxaa suuro gashay in gabadha iyo ninka Turkiga ah dhexmaro jaceyl, Ninkii ayaa u laabtay dalka Austria oo uu dhalasho ka heystay waxaana socday xiriirkii oo laba lixaadsaday, asaga oo qofkasta oo Soomaali ah uu arkaba ku oran jiray "Walaal iila hadal gabadhaan oo ii fasir erayadeeda". Mudo kadib waxa uu kusoo laabtay magaalada Cadaado asaga oo aan qofna ka aqoon xitaa wax ujeedo ah aanan wadin marka laga reebo xiriirka gabadha oo wali ay ku adag tahay in ay isfahmaan oo wadasheekeystaan, waxa uu soo kireystay taxi kadibna keenay hotel-kii uu magaalada ka deganaa, waxa uu la sheekeystay dadkii hotel-ka deganaa iyo kuwii imaanayay, waxa uu bartay asxaab oo uu u sheegay in uu u socdo gabar uu jecel yahay, kadib asxaabtii ayaa xiriir la sameeyey qoyskii gabadha ay ka dhalatay.
Ugu danbeyn waxaa suurto gashay in ay wada hadlaan waalidkii iyo ninkii, dood badan kadib waxaa la isku fahmay in ninka lagu daro gabadha, Ninka oo muslim ah owgeed. Kadib waxaa laqaban qaabiyay xafladii arooska oo waxa ay ku aqal galeen hotelkii.
Dhacdadii waxaa ogaaday ciidamada nabad sugida, waxa ay hubiyeen habka ay wax u socdaan, ugu danbeyn waxa ay dadkii oo dhami ku qanceen in ninka uu yahay qof muslim ah oo wax dhib ah laga fileynin, ninkii iyo gabadhii ayaa hadda ah xaas wada dagan oo nolol wadaag ah.
Xigasho
W/Q: Ali Dahir Abdi
Comments