Diyaarado ugaarsanaya duur-joogta Somalia

Dad reer miyi ah oo ku nool deegaanadda ku dheerarsan xeebaha Soomaaliya ayaa ka cabanaya diyaaraddo la sheegay in ay yihiin kuwo helokobtaro ah oo saaran yihiin ciidamo ajnabi ah oo si sharci daro ah ku ugaaraysta duurjoogto.

Diyaaradahaas ayaa la sheegaya in ay ka soo duulayaan maraakiib taagan badda Somalia ee ilaalada ka ah xeebaha Somalia, kuwaasi oo yimaad dhulka miyiga ah ee u dhaw xeebaha.
Maxamed Xuseen Warsame oo ka mid ah odoyaasha deegaanka ku dhadharan xeebta ee Ceel Dhanaane ayaa BBC u sheegay in dadku ay arkeen diyaaradaha dhinaca badda ka imaanaya oo Helicoptaro ah oo saddex saddex u socda, kuwaasi oo ugaarsanaya xayawaanaadka Deerada, Sagaarada iyo noocyada kale ee duurjoogta.
Dadku waxay sheegeen in ciidamadu ay hawo ku furaan xayawaanka oo ay saartaan qaarkood diyaaradda iyagoo nool marka ay qabtaan.


Comments

Popular posts from this blog

Dhiiri galinta waxbarashada carruurta

TREASURE 16 JIR