Jaceyl Turjubaan ma waayo!

Xili aan safar uga soo ambabaxay magaalada Muqdisho oo aan usocday magaalada Cadaado, waxaa diyaarada wada saarneyn labo nin oo turkey ah iyo turjubaankooda, mid ayaa fadhiyay kursiga i xiga, waxaa na dhex martay sheeko, isbarasho kadib waxaan weydiiyay waxa ay Cadaado ugu socdaan, waxa uu ii sheegay in ay u socdaan munaasabada IIDUL ADXA si ay kaga qeybqaataan xoolaha la qalayo, waxaan imaanay magaalada Cadaado. Mudo kadib ayaa waxaan maqlay in mid ka mid ah walaalihii Turkiga uu jeclaaday gabar intii munaasabada ay socotay, ninka ayaa deganaa hotel ii dhow oo aan galabkii shaah ku wada cabi jirnay, waxaan weydiiyay sababta uu u jeclaaday? waxa uu yiri "waxaan ku jeclaaday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Aqlaaqda, xishoodka, asturnaanta iyo dhoola cadeynta. Waxaan wareystay dad kala duwan oo munaasabadda kala shaqeynayay waxa ay ii sheegeen " gabadha waxa ay ka shaqeyneysay munaasabadda IIDUL ADXA, ayadoo hilib jarjareysa ayaa gacanta midi ka qashay, ka dib waxaa...